26.1 C
Mogadishu
Friday, May 29, 2026

Maxaa kasoo baxay kulankii Keating iyo Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta tagay magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Michael Keating iyo wefdi uu hogaaminayay, ayaa waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay  madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale oo maamulka Galmudug ka tirsan.

Safarka Mr Michael Keating uu ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa ujeedadooda tahay sidii ay ogaan lahaayeen aragtida maamulka Galmudug ka qabo go’aanada kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin iney magaalada Cadaado kusoo dhaweeyaan wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Itoobiya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa horay u tagay magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, si maamullada ka jiro magaalooyinkaas ay ugu qanciyaan go’aankii shirka madasha wada-tagiga ka soo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News