Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ah gacanta midig ee Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku howlan sida uu uga dhexmuuqan lahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee maamulka cusub oo ay yeelan doonaan Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Xubno ku dhow dhow Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa xaqiijiyay in hamiga Faarax uu yahay inuu hanto kursiga laga maamuli doono maamulka Cusub, amaba uu ka gudbo oo uu noqdo Madaxweynaha Somalia, taasi oo dhaawac ku noqoneysa damaca Xassan Sheekh.
Xubnahaani aan xogta la wadaagnay ayaa sheegay in Xassan Sheekh uu awood dhaqaale iyo mid maskaxeedba isugu geeyay Faarax C/qaadir isaga oo dadaal ku bixinaayo in Faarax uu noqdo madaxweynaha maamulka labadaasi Gobol loo dhisaayo.
Xassan Sheekh ayaa dadaalkaasi ula gol leh in Faarax uusan hamin Kursiga Qaranka, waxa ayna taasi Xassan ku qasbeysaa in dadaal dheer uu galsho in Faarax oo ah nin halis badan isaga jeediyo maamulkaasi cusub oo ay Howshiisu ka socto magaalada Jowhar.
Xassan Sheekh oo iminka safar uga maqan dalka kana duulaaya baahidiisa ayaa waxa uu magaalada Jowhar u diray xubno badan oo dhexgal ku sameeya Ergooyinka ku shirsan kuwaasi oo har iyo habeen u taagan hirgalinta qorshaha Xassan Sheekh waxa ayna ka shaqeynayaan sida Ergada looga dhaadhicin lahaa inay Madaxweynaha cusub u aqoonsadaan Faarax.
Xassan Sheekh ayaa horay u meeleeyay Saaxiibadiisii ku wehlin jiray Siyaasada oo uu kamid yahay Faarax C/qaadir iyo Shariif Xassan oo u qaabilsanaa dhanka qaboojinta Mooshinada lidiga ku ahaa Xassan.
Xassan Sheekh ayaa waxaa iminka ka go’an inuu meeleeyo Faarax C/qaadir, kadibna uu isaga ismeelooyo, iyadoo ay suuragal tahay in meeleeynta Faarax uu kala kulmo culeysyo kala duwan oo kaga imaanaaya dhinacyada uu shirka u socdo.
Si dhab ah looma saadaalinkaro Siyaasada ay la daala dhacayaan Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir, balse waxa ay saadaashu tahay in Faarax uu xiligaani ku tiirsan yahay awooda Xassan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

