C/W GAAS oo u duulay magaaladii looga yeeray

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa u duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasi oo looga yeeray sida aan ku sheegnay wararkeenii shalay.

Safarka madaxweyne Gaas ee magaalada Addis Ababa waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan maamulkiisa, waxaana sidoo kale qeyb ka ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaanu ka amba bixin garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu saxafaada  uga warbixiyey ujeedka safarkiisa, waxaana uuu sheegay in uu safarkiisu ku qotomo casumaad rasmi ah oo uu ka helay Dawladda Itoobiya.

“Maanta waxaan safar shaqo oo kooban  ugu amba baxayaa waddanka Itoobiya, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay Dawladda Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabadgeliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimad ah”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Itoobiya ay Puntland kala shaqayso, dhinacyada sugidda Amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xiriirka ganacsiga, isla markaana uu dawladda itoobiya kala hadli doono arrimahaas oo dhan iyo sidii shirkadaha ganacsi ee  Itoobiya ay maal gashi ugu samaysan lahaayeen Puntland.

Gaas-2 Gaas-3 Gaas-5

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com