Sarkaal TURKISH ah oo MUQDISHO lagu dilay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa ku diley degmada Wadajir Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa mid kamid ah shirkadaha laga leeyahay dalka Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in ruuxa la dilay uu watay gaari uu kaligii saarnaa, waxaana lagu horjaray gaari kale oo ay la socdeen dadka falka dilka geysanaya.

Dhowr xabadood ayaa lala dhacay markii gaariga lagu horjaray, taasi oo sababtay in halkaasi uu ku dhinto ruuxaasi, waxaana la sheegay in muddo uu meydkiisa goobta yaalay.

Ruuxa dilka loo geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Calasow, waxaana la sheegayaa inuu la shaqeynayay mid kamid ah shirkadaha dalka Turkiga

Kooxaha dilka u geystay ruxaasi ayaa ka baxsaday halka falka uu ka dhacay, waxaana la sheegayaa in kadib ciidamo badan ay gaareen.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in is rasaaseyn kooban ay ka dhacday isgoyska Dabka una dhaxeysay ciidamada dowlada Soomaaliya dhexdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com