Sawir qosol badan: Xasan, Faarax C/qaadir iyo faalka kursiga qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani aadka u qosolka badan ayaa waxaa lagu cabiray walaaca Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ka heysta dib usoo laabashadiisa mar kale.

Sawirka ayaa waxaa lagu miisaalay Xassan Sheekh oo xil doon ah, Faarax C/qaadir oo indha u ah Xassan iyo Sawir loo muuqaal ekeysiiyay haweeney faalka ku dheereysa oo lagu magacaabo ”Eedo Culumo”, waxa ayna Xassan Sheekh ku wargalisay in mar kale uusan kusoo laaban doonin xilka.

Eedo Culumo waxa ay Xassan Sheekh u sheegtay in qosolkiisa badan uu ka danbeyn doono oohin, waxaana faalkaasi qaadacay Faarax C/qaadir oo sheegay in taasi bedelkeeda ay shacabka ku kasban doonaan Kacdoon laga sameeyo dalka isla markaana wixii dhibaata ah oo ka dhasha dusha laga saaro Musharax Sheekh Shariif.
faal2-copy