War xasaasi ah oo kusii kordhay afgambigii Turkiga (Guul…mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay Maxkamad u kala direen Kumanaan kun oo Maxaabiis ah kuwaasi oo loo heysto Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi.

Bekir Bozdag oo ah Wasiirka caddaaladda Turkiga ayaa sheegay in Maxaabiista ay Maxkamada u kala direen tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 32,000 tuhmane oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Fethullah Gulen.

Wasiirka waxa uu sheegay in iminka ay baaris mareen ku dhawaad 70,000 oo qof kuwaasi oo qaarkood lagu helay danbiyo kala duwan, halka qaarna lagu waayay danbigii loo xiray.

Wasiir Bekir Bozdag waxa uu intaa ku daray wareysi uu siinaayay Saxaafada dalka Turkiga in dowladu aysan ka waaban doonin xukun lagu ridaa kuwa u saaxiibka ah dinbiyada Qaran.

Waxa uu Wasiirka intaa ku daray in iminka Xabsiga loo taxaabay 32,000 oo ka mid ah danbiilayaash kuwaasi oo heli doona wixii uga soo baxa sharciga dalka.

Dhinaca kale, waxa uu Wasiirka tilmaamay inay wadaan baaritaano kale oo heer gabagabo u ah dowlada kuwaasi oo uu ka gaabsaday inuu u turxan bixiyo saxaafadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com