Boorsaani oo iska difaacay arrin ay shaaciyeen musharaxiinta 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo musharaxiinta u tartameysa kursiga ugu sareeya dalka ay dhaliilo ka muujinayaan habdhaqanka mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa dhaliishaasi jawaab kulul ka bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Boorsaani, ayaa sheegay inuu la socdo dhaliilaha ay u jeedinayaan Musharaxiinta, waxa uuna farta ku goday in dhaliishaasi ay tahay mid salka ku heysa boorarka waddooyinka lagu dhajiyay.

Boorsaani, waxa uu sheegay in musharaxiinta ay ka been sheegayaan xaqiiqda jirta, waxa uuna been abuur ku sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu amar ku bixiyay in waddooyinka laga fujiyo boorarkooda xayeysiinta ah ee ku dhagan waddooyinka.

Boorsaani, waxa uu carab dhabay inaanu la socon halka uu maamulka Gobolka ka fujiyay boorarka, waxa uuna taasi bedelkeeda ku sheegay in maamulka uusan waxba u arag boorarka ku dhagan waddooyinka.

Guddoomiye Boorsaani waxa uu sidoo kale sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la dhibaateeyo ama caqabad lagu noqdo Ololaha Musharaxiinta Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta doonaya in ay u tartamaan xilalka kala duwan ee Dowladda Cusub.

Haddalka Boorsaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Musharaxiinta qaar ay cod dheer ku sheegen in maamulka uu si bareer ah u fujiyay boorarkooda xayeysiinta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com