Arrag sawirro laga soo qaaday garoonka Aadan Adde oo laga hirgaliyay duulimadyada habeenkii

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde, ayaa bilaabay duulimaadyada Habeenkii ee u kala gooshaayo qaaradaha Africa iyo Asia.

Duulimaadkii ugu horeeyay ayaa Habeenimadii xalay laga hirgaliyay Garoonka Aadan Cadde kuwaasi oo kala gaaray Nairobi iyo dalka isutaga imaaraadka Carabta.

Shaqaalaha Garoonka ayaa loo kala qeybiyay laba Shifti oo howsha kala galaayo maalin iyo habeen, waxaana sidoo kale la kordhiyay Ciidamada Amaanka ee ka howlgala Garoonka, kuwaasi oo la arkaayay iyaga oo dadka duulimaadyada ku adkeynaayay dhoofka iyo baaritaanka dukumiintiyada dhoofayaasha.

Dadaalkaani ayaa waxaa sidiiran usoo dhaweeyay Dhoofayaasha inta badan ka yimaada dalalka Maraykanka, Canada iyo Europe oo iyagu ku dhiiranaayo in garoonka ay ka ambabaxaan xili waliba oo ay damcaan.

Waa markii ugu horeysay muddo 25 sanadood kadib uu dib u howlgalo garoonka Aadan Cadde xiliyada habeenkii tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia.
airport

air3

air4

airport