ODOWAA oo safar aan la shaacin ku gaaray D/M

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi uu hogaaminaayo ay gaaren degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, halkaasi oo dhawaan dagaal ay kula wareegeen ciidamada Ahlusunna Waljameeca.

Socdaalka Wasiirka uu ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaan horay loo sii shaacin, waxaana la tilmaamayaa in ujeedka socdaalkiisu yahay mid ku qotoma wada hadalka ay dhawaan sheegtay DF Somalia inay la fureyso Maamulka Ahlusunna wal-jameeca.

Odawaa ayaa halkaasi kulamo gaar gaar ah kula qaadan doono Hogaanka sare ee Maamulka Ahlusuna waxaana la filayaa inay kawada xaajoon doonaan duulaanada dhul balaarsiga ah oo ay wadaan Ciidamada Ahlusuna iyo arrimaha la xiriira in Ergada Ahlusuna ay isaga baxeen shirka Cadaado ka socda.

Waxaan la ogeyn natiijada kasoo bixi doonto kulanka Wasiirka iyo Hogaanka Ahlusuna inkastoo Hogaanka uu dhowr jeer oo sii horeysay shaaciyay inaysan gorgortan la gali doonin DF Somalia.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay u astaysantahay xiligaani Caasimadda Maamulka la dhisayo ee Gobolada Dhexe waxaana qabsashadeeda ay dharbaaxo lixaad leh ku tahay Dadaalka Dowladda ee ku aadan in Maamul Federaalka kamid ah yeeshaan Goboladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com