C/Weli GAAS: Shaqsiyaad gaar ah ayaa gacanta ku dhigay nidaamkii federaalka SOOMAALIYA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo ka hor hadlaayay Baarlamaanka Puntland, ayaa waxa uu si adag u dhaliilay qaabka ay DF Somalia u hirgalineyso sharciga dalka lagu maamulaayo.

Gaas ayaa sheegay in Nidaamka federaaliisimka iyo shuruucda u degan dalka Somalia uu gacanta u galay shaqsiyaad gaar ah oo marba dhinac ay doonaan u rogaayo sharciga.

Waxa uu sheegay in adeegsiga Federaalka uu yahay mid lagu hogaaminaayo wado aan sharci ahayn taasina ay hoos u dhigeyso hamigii laga lahaa isku xirnaanshaha Dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Nuqul kamid ah hadalka Gaas ayaa ahaa “Somalia waxay ku heshiisay nidaamka federalisimka, dastuurka KMG ah wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida uu federalisimku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntlandna waa aabihii iyo hooyadii federaalka Somalia, waxayna mar walba ku haminaysay Somalia oo mid ah, kuna midowday habka Federalka, haddii qaabka federaalka hadda loo wado uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u gaysanaya maamuladii jiray hadii federaalka uu sii ahaado mid gacanta ugu jira shaqsiyaad gaar ah”

”Waxaa imaanaysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey, Maamulka Puntland waxay ka digaysa in lagu xadgudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nidaamka horumarka dawladnimada Soomaaliya”

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu intaa ku daray Gaas “Puntland waxay meel wanaagsan gaarsiisay xiriirka ay la leedahay beesha caalamka iyo Dawladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaa dib loo habeeyey Nidaamka xogta iyo maaraynta deeqaha caalamiga ah, waxaa la sameeyey xeerkii lagu dhaqi lahaa Ururada aan dawliga ahayn kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, waxaa si wanaagsan loo qaabeeyey habka dalabka mashaariicda New Deal-ka taas oo Puntland u marayso dalabka mashaariicda qorsheheeda shanta sanno”

Dhanka kale, Gaas ayaa DF iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaatan hanaanka lagu hirgalin lahaa qaadashada Sharciga ama Dastuurka dalka u dagsan oo uu muuqda in laga sii talaabayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com