Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe oo weeraray ciidamada DF Soomaaliya ee Kismaayo

Muqdisho (Caasimada  Online) – Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo ciidamada Kenya ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada militariga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada ku sugan halkaasi.

C/rashiid Macalin Gaas, oo saraakiishaasi kamid ah ayaa sheegay iney weerar xoogan kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubba iyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in ciidamada ku sugan xerada militariga ay ahaayeen ciidamadii la doonayay iney qeyb ka noqdaan ciidamada la isku dhafayo horeyna ay kaga mid ahaayeen ciidamada dowlada.

Weeraro iyo dhibaatooyin kala duwan ayuu sheegay iney kala kulmaan ciidamada maamulka Jubba iyo ciidamada Kenya, oo uu ku edeeyay ineysan nabad ilaalin ka wadin Kismaayo.

Ciidamada maanta la weeraray ayaa kamid ahaa ciidamadii dagaalka la galay ciidamada Axmed Madoobe, markii ay dagaalamayeen ciidamada Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com