Sawirro: Madax sare oo isugu tagay Boosaaso.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dawlada Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wada kulamo uu la qaadanaayo qaar kamid ah wasiirada maamulka Puntland.

Wasiirada uu C/wali la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed waxa ayna booqdeen dhowr wasaaradood, waxa uuna C/wali doonaayay inuu waxbadan ka ogaado qaabka ay Puntland u shaqeyso waxaana wehlinaayay Siyaasi C/raxmaan Baadiyow.

C/wali ayaa sidoo kale Wasiirada Puntland kala hadlay sida ay u arkaan Siyaasada DFS ee uu hogaaminaayo madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uuna inta badan hal ku dhig ka dhiganaayay in isbedel degdeg ah uu imaan doono mudada xilka uga harsan Xassan Sheekh kadib.

C/wali ayaa inta badan wakhtiga yar ee uu la kulmaayay Wasiirada Puntland diirada saaraayay Ujeedka safarkiisa iyo Siyaasada cusub ee uu damacsan yahay.

C/wali Sheekh waxa uu sidoo kale tallo uruurin ku sameynaayay Wasiirada Puntland isaga oo si ganbasho la’aan ah ugu soo bandhigaayay qorshihiisa la xiriira doorashada 2016-ka ka dhici doona dalka.
Waxaa xusid mudan in C/wali uu mas’uuliyiinta Puntland u sheegaayay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka.

1

2

3

4,

5

6

7

8

9

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com