Siyaasi caan ah oo isla meel dhigay DF & Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mohamud Ahmed Nur Tarsan ayaa si cajiib ah uga hadlay Dagaaladii dhexmaray Dowlada Ethiopia iyo Ereteria.

Tarsan waxa uu sheegay in Dowlada Etereria ee iminka saameynta ku dhex leh Qaarada Africa ay dhiig badan ku daadisay ka go’itaankeeda dalka Ethiopia waxa uuna sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo ragga ku wehliya Siyaasada Somalia ay ku waanaqaatan dhacdooyinkii dhexmaray Ereteria iyo Ethiopia.

Qoraal uu kusoo daabacay baraha Bulshada ayaa waxa uu sheegay in madaxda dalka uu ku boorinaayo inay dib u milicsadaan dagaalkii ay wada galeen Ereteria iyo Ethiopia si uu yiri ay waxabadan uga ogaadan saameynta uu lahaa iyo waxa laga dheehan karo cadaawada ay Ethiopia u qabto Somalia.

”Madaxda soomaaliyeed waxaan rabaa in ay akhriyaan taariikhda sidii ay Ethiopia ku qabsatey Eriteria, waxey ku qaadatey reer Eriteria in ay xoriyadii la soo noqdaan 35 sano iyo hal milyan oo dhaliyaro ah ayaa ku nafwaayey halgankaas”.

”Khaladka madaxda soomaaliyeed ay maanta geleyso waxaa u dhimandoona malaayiin dhalinyaro soomaaliyeed oo ay ka mid noqondoonaan dhalinyaro ku abtirsandoona madaxda maanta wadanka gacanta u gelinaaya gumeystaha Ethiopia”
”Waxaan u sheegayaa in Somalia aysan wali ka dhamaan geesiyo wadaniyiin ah. Ilaahow naga dhig kuwa xaqa u hiiliya”.

Tarsan waxa uu sheegay in wadada iminka ay ku socto Somalia ay dib usoo xusuusin doonto Soomaalida dagaalkii dhexmaray Somalia iyo Ethiopia barisamaadkii tagay.

Waxa uu Tarsan ku baaqay in Soomaalidu ay gartaan waxa ay tahay wadaniyada, waxa uuna ka digay inay sheeda ka daawadaan waxyaabaha ay gumeystuhu u horseedayaan madaxda dalka iminka gacanta ku heysa.

Geesta kale, Tarsan ayaa sheegay in Sanad aad ku noolaato gumeysi ay dhaanto maalin aad ku noolaato xoriyad.

Caasimada Online
XafiiskaMuqdisho
Caasimada@live.com