XOG: Axmed Madoobe oo ku wajahan Cadaado iyo Puntland oo aad u carreysan + Qorshihiisa.!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeeyay socdaal ku tegi doono magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug, isagoo halkaasi kula kulmi doona madaxda Galmudug.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegay in socdaalka Axmed Madoobe laga leeyahay laba ujeedo oo kala ah: inuu oofiyo balan uu hore u qaaday inuu tegayo Cadaado iyo inuu Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ku casuumo shirka Madasha Qaran ee Kismaayo ka dhici doono 10-ka Bishan Janaayo.

Axmed Madoobe ayaa u sii gudbaya Magaalada Boosaso oo uu ka mid yahay madaxda lagu casuumay inay ka qeyb galaan furitaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaso oo halkaasi ka dhici doona laguna soo beegay xuska maalintii uu xilka qabtay C/weli Gaas.

Arrinta ugu weyn ee Axmed Madoobe kala hadli doono C/kariin Guuleed ayaa ah inuu Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan ka dhaadhiciyo ka qeybgalka shirka Madasha Qaran oo Shariifka diidan yahay kadib taageeradii maamulka Jubba iyo Puntland la garab istaageen maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde ee la baxay Bakool sare.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay aad uga carreysan yihiin socdaalka Axmed Madoobe ee Cadaado, waxaana ay ku qal-qaalinayaan inuusan halkaas tagin, lana kulmin Cabdikariim Guuleed, balse Madoobe ayaa ku adkeysanaya qorshihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com