Xog: Shariif Xasan oo wahadal la furaya Axmed..

Baydhabo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Shiiqunaa Maya oo la hadlay Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo lagu magacaabo Risaala ayaa ka hadlay wadahadal ay la furayaan maamulka Bakool Sare.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan mar walbaa uu diyaar u yahay iney xaliyaan dadka aragtida kale ka qaba maamulka Koofur galbeed, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay in deegaan maamulkaasi ka tirsan uu yahay Ceelbarde iyo deegaanada kale.

“Cid walbaa oo tabasho ka muujineysa mamulka Koofur Galbeed wadahadal ayaan la galeynayaa mana dhici doonto in labo maamul ay ka sameysnaadaan deegaanada gobolka Bakool, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in baarlamaanka uu ka shaqeyn doono sidii la iskugu soo dhawaan lahaa”ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay goorta maamulka koofur Galbeed u guurayo caasimada maamulkaasi ee Baraawe, isaga oo sheegay in marka ay dhameestirmaan dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay caasimad ayna suurogali doonin iney kusii nagaadaan magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn maamulka Koofur Galbeed ayuu tilmaamay inuu ka shaqeyn doono in la qanciyo beelaha kala duwan ee degan deegaanada Shabeelaha Hoose, Bakool iyo Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com