Muqdisho oo dhul boob xooggan uu ka sodcdo

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay dhul boobka aan sharciga aheyn ee ka socdo magaalada Muqdisho oo lagu hayo dad maato ah, sida uu yiri xildhibaanka.

“Maxkamada hadaad tagto inta badan wax kale la iskuma hayo waa dad sharciyo been abuura wata oo raba inay boobaan dadka maciin laawayaasha ah,waxaad arkeydaa qoys nus qarni gurigoodii ay daganaayeen lagu heysto iyadoo aan loo qiimeyneyn sabarloogada saxda ah ee ay heystaan dadkaani maciin laawayaasha ah”ayuu yiri Xildhibaan Dalxa

Mas’uulkaan ma uusan carabaabin dadka dhul boobkaasi wada inkastoo uu shaaciyay in maxkamdaha hada dalka ka jira ay saacidayaan kuwa dhul boobka wada.

Arinta ugu yaabka badan ayaa ku sheegay xidhibaan dalxa in xabsiyada ay ka buuxaan dad xoog looga saaray guryahoodii kuwaasi oo aan awood ku laheyn magaalada, sida uu hadalka u dhigay.

“xabsiyada waxaa ka buuxa dad xoog loo sheegtay oo hantidoodiina lagala wareegay iyagiina si sharci daro ah ku xiran yihiin islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabaneysa”ayuu yiri Prof.Dalxa

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Federaalka muusan soo hadal qaadin inuu arintaani gaarsiiyay madaxda sar sare iyo inkale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com