Sawiro: Jubaland oo soo bandhigtay muuqaalka halka lagu qabanayo shirka madasha wada-tashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay hoolkii lagu qaban lahaa shirka madasha wadatashiga ee la filaayo in 10 ka bishaan uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.

Madaxweynaha maamulka Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa gaaray hoolka waxa uuna Madoobe sheegay in maamulka uu diyaar u yahay qaadida mas’uuliyada amaanka madaxda kasoo qeybgali doonta shirka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland iyo shacabkeeda ay guryo qurxoon kusoo dhaweyn doonaan madaxda Qaranka iyo kuwa shirka u matali doona Beesha Caalamka.

Wuxuu sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in natiijo lagu wada qanco kasoo baxdo shirka si uu yiri looga gudbo waxa uu ugu yeeray 4.5.
ax1

ax2

ax3

ax4

ax5

ax6

ax7

ax8

ax9

ax10

ax11

ax12

ax13

ax14

ax15

ax16

ax17

ax18

ax19

ax20

ax21

ax22

ax23