Arag sawirro: Ergada ka qeybgali doonta shirka Jowhar oo goobo laga fiican yahay la dajinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in go’aan kasoo baxay Maamulka gobolka Sh/dhexe lagu kala diray qaar kamid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada deegaanada maamulkaasi ku yaalla.

Maamulka ayaa go’aankaasi ku micneeyay shirka la filaayo in maalmaha nagu soo aadan uu ka furmo magaalada Jowhar kaasi oo maamul loogu dhisi doono Goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Qorshaha lagu kala diray ardayda Iskuulada ayaa ah mid uu maamulka ku doonaayo in Iskuulada qaar uu hooy uga dhigo Ergooyinka ka qeybgali doona shirka Jowhar ka furmi doona, waxa ayna arrintaani amakak ku noqotay Ehelada dhalay carruurta waxbarashada laga hakiyay.

Hooyo Sacadiyo Maxamed oo kamid ah Hooyooyinka carruurtooda laga soo kala diray Iskuulada ayaa sheegtay in nasiib darro ay tahay in maamulka uu kala go ku sameeyo waxbarashada Carruurtooda.

Waxa ay sheegtay in haddii Ergada hooy looga dhigaayo Iskuulada ay mudnaan laheyd in guryo ka quruxbadan iskuuladaasi la dajiyo Ergada.

”Carruurteena shirka aawgii ayaa waxbarashada looga hakiyay, waa nasiib darro waayo maamulka waxa uu heli karaa guryo ka muuqaal wanaagsan iskuulada burbursan”

Iskuulada la kala diray ayaa waxaa kamid ah Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Imaamu Shaafici kaasi oo dhamaan fasaladii ku yiilay la dhigay sariiro iyo joodariyaal la sheegay inay leeyihiin Ergada.
hoyga-martida-1

hoyga-martida-2

hoyga-martida-3

hoyga-martida-4

hoyga-martida-5

hoyga-martida-6