Axmed Madobe oo taageero ka helay Imaaraatka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed maxamed Islaam Madoobe, ayaa hishiis cusub la saxiixay dowlada Imaaraadka Carabta, hishiiskaasi oo dhigaya in xabsi cusub laga dhiso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulan gaar ah oo magaalada Kismaayo ku dhexmaray safiirka dowlada Imaaraatka ee Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa laga soo saaray in la isku raacay dhismaha xabsi  cusub oo laga dhisayo magaalada.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen mashaariicda dowlada Imaaraatka ay ka hergelineyso deegaanada maamulka Jubbaland, waxaana kamid ah mashruuca lagu dhisayo xabsi ku yaala magaalada Kismaayo.

Safiirk imaaraat-ka ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dowladiisa howlgalo mashaariic ah ka sameyso deegaanada Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Waxaan Magaalada Kismaayo u nimid sidii looga dhabbeen lahaa ballanqaadyo aan horey halkaan uga jeediyay, oo ahaa in laga fulin doono mashaariic horumarineed, sida inaan ka dhisno xabsi, iskuulo, isbitaalo iyo Xarunta Dowladda Hoose.”ayuu yiri safiirka.

Imaaraatka ayaa hub kala duwan horey ugu deeqay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo Jubbaland ay kamid tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com