Dowladda SOMALIA oo digniin adag siisey QM

London (Caasimada Online)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay digniin u dirtay hayada cuntada adduunka ee WFP oo lagu eedeeyay in waqtiga beeraha soo go’aan ay gargaar bini’aadanimo keenaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha xukuumada Soomaaliya C.casiis Saalax Carmaan oo VOA la hadlay ayaa ka digay in hayada ay kusoo beegto gargaarka ay ka bixiso dalka Soomaaliya xiliga beeraleyda ay guranayaan dalagii ay abuurteen,

“WFP qorshaha ay ku socoto waa qalad mana yeeleyno mana aqbaleyno, mar walbaa waxay sameysaa in deeqahooda kusoo beegaan waqtiga beeralayda ay dalagyada soo guranayaan, haddii ay WFP ay wax noo qabaneyso fadlan beeraleyda raashiinka ka iibsada oo niyada u dhisa”ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka beeraha ee dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay qaababka ay doonayaan iney kaga hortagaan fatahaadaha ay sameeyaan labada wabi ee Shabeele iyo Jubba oo saameeya dadka beeraleyda ee wax beerta.

“Waxaa noo qorsheysan in xiliyada ay dhici karaan fahataadaha Wabiyada Shabeeleh iyo Jubba aan sameyno ka hor tag weyn, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara fatahaado saameeya dadka beeraleyda iyo iney dadkaba ka tagaan magaalada” Mr Carmaan.

Caasimada Online
Xafiiska UK
Caasimada@live.com