Ethiopian tagay Dhuusomareeb iyo qorshaha…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaladaasi ay buux dhaafiyeen ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socdo dalka Ethiopia.

Ciidamada ka socdo dalka Ethiopia ayaa waxaa wehliyo ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ay iska raaceen degmada Ceelbuur ee gobolka Bakool.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada oo badankood ka tagay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ay saldhigyo ka sameysteen deegaano ku yaala duleedka magaalada Dhuusomareeb halka ciidamo Ethiopia ah ay gudaha u galeen magaalada Dhuusomareeb.

Lama oga ujeedada ciidamada Ethiopia iyo saraakiishooda ka leeyihiin in magaalada ay geeyeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya, laakiin waxaa aad loo hadal hayaa iney dagaalo ka dhacaan magaalada maadaama colaad ay ka dhaxeyso ciidamada oo horey ugu dagaalamay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Ahlu sunna oo ay kaga hadlayaan ciidamada tagay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ee ka kooban dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com