C/Weli Gaas oo si aan horay loo arag u weeraray madaxweyne Xasan Sheikh kuna eedeeyey inuu..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay wararka sheegaya in madaxweynaha Somalia uu wali caqabad ku yahay hanaanka looga gudbi lahaa nidaamka 4.5.

Gaas ayaa sheegay in madaxda DF iyo kuwa Gobolada dalka ay horay u wada galeen balamo ku saleysan ka gudbida nidaamkaasi islamarkaana loo baahan yahay in Xassan Sheekh uu arrinkaasi ka weecan.

Wuxuu sheegay in arrinka ka weecashada balamaha ee dhanka madaxweyne Xassan Sheekh aysan ku cusbeyn balse loo baahan yahay in qofka uu qiimeeyo miisaanka umadda Soomaaliyeed.

”Cidna ugama heybeysaneyno in Somalia lagu hagaajiyo wadada xaqa ah, waxaa ii muuqda in DFS ay iska maaweylineyso xaqiiqda jirta balse waxaan oran lahaa yuusan sharafka idinka dhicin”

Gaas waxa uu carabaabay in aayaha Somalia ay mas’uul ka tahay cid waliba oo muwaadin ah, sidaa awgeed ka hadalka arrintaani ay u furan tahay xitaa muwaadiniinta oo aysan ku ekeeyn Xassan Sheekh.

Waxa uu sheegay inuu ka digaayo in la carqaladeeyo hanaanka Siyaasadeed ee Somalia, waxa uuna ku taliyay in madaxweyne Xassan uusan maslaxadiisa aawgeed u rafaadin malaayiin shacab.

Dhanka kale, waxa uu Gaas shacabka ugu baaqay inaysan ku tashan waxa uu ugu yeeray xisbi haliga umadda.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com