Walaac soo food saaray madaxweyne Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo ku sugan aqalka looga arrimiyo dalka ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu dareen gaar ah ka muujinaayo kulamada ka socda magaalada Garoowe ee uu horboodaayo C/wali Gaas.

Madaxweyne Xassan ayaa durbaba bilaabay Siyaasado hoose oo uu kula xiriiraayo Siyaasiyiinta ku dhow dhow kuwooda xilalka ka hay DFS iyo kuwa kor jooga ka ah Siyaasada uu Xassan ku hagayo dalka.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu isku raadinaayo shaqsiyaad kaalin ku leh Siyaasada Dowladiisa kuwaasi oo uu doonaayo inuu kaga gaashaanto Siyaasadaha ay lasoo shartagi karaan Ra’isul wasaarayaashii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed, Cali Geedi, Siyaasi C/raxmaan Baadiyow iyo madaxweynaha maamulka Puntland.

Madaxweyne Xassan ayaa lasoo warinayaa in walaac hor leh uu soo wajahay, islamarkaana cabsida ugu badan ay ka heysato dhanka natiijooyinka uu ka filankaro shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo kaasi oo iminka ay socto qabanqaabadiisa.

Madaxweyne Xassan oo si aad ah kaga soo horjeeda Siyaasiyiintaasi ku kulansan magaalada Garoowe ayaa waxa uu hirgalinta rabitaankiisa shirka Kismaayo u adeegsan doonaa Siyaasiyiin iminka ku diyaarsan madaxtooyada Somalia kuwaasi oo kasoo kala jeedo reero badan, waxa ayna ololo ugu jiraan in Somalia lagu sii hago nidaamka 4.5.

Ujeedka socdaalka mas’uuliyiinta uu hoggaaminaayo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh ayaa ah in laga taqluusiyo nidaamka galgacalka ku abuuray madaxweyne Xassan ee ah 4.5.

C/wali Gaas oo cabsi ka qaba in wareega soo socda uu ku guul dareysto in laga gudbo nidaamkaasi ayaa waxa uu u kaashanayaa Siyaasiyiintaasi ka gadoodsan madaxweyne Xassan Sheekh.

Kulamada mas’uuliyiinta ku shirsan Garoowe u dhexeeya ayaa muujinaaya in Xassan Sheekh uu qarka u saaran yahay in laga gudbo Siyaasada is urureysiga ah ee uu ku maamulaayo Somalia, waxa ayna tani walaac galisay Siyaasiyiinta oo idil.

Lama oga sida uu xassan uga gaashaaman doono Siyaasada cusub oo mucaaradka ay kasoo maleegayaan magaalada Garoowe inkastoo Xassan Sheekh uu kalsooni ku qabo shaqsiyaadka uu iminka arrintaasi u kaashanaayo.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com