BOORSAANI oo ku socda wadadii uu Muungaab ku waayay kursiga maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen, ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu bilaabay qorshooyin cusub oo lagu caqabadeynaayo Bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gudoomiyuhu uu Gudoomiyayaasha Degmooyinka u qeybiyay warqado uu ku amraayo in guri waliba laga qaado dhaqaale farabadan oo la sheegay in lagu soo celinaayo bilicda magaalada Muqdisho.

Dhaqaalaha iminka la qaadaayo ayaa la sheegayaa inuu ka madaxbanaan yahay dhaqaalihii dhawaan lagu amray inay bixiyaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho taasi oo la sheegay inay tahay canshuur.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa gudoomiyayaasha Degmooyinka faray in lacago ganaax ah laga qaado qoysaska wadooyinka hormara guryahooda ku daadiya biyaha wasaqda iyo kuwa aan qashinka ka qaadin iridka hore ee guryahooda, waxa uuna taasi sabab uga dhigay dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa walaac gaar ah ka qaba dhaqaalaha aan horay looga qaadi jirin oo iminka lagu amraaya inay bixiyaan waxa ayna dadku isugu jiraan kuwa dhaqan iyo kuwa tabaaleysan, hayeeshee maamulka uu arrinkaasi iska indhatiraayo.

Dhawaan ayay aheyd goortii uu Sheekh Yuusuf Xuseen warbaahinta magaalada Muqdisho ka sheegay in shacabka magaalada ay u hogaansamaan awaamirta kasoo baxda maamulka Gobolka Banaadir.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com