Cadaado: Guuleed iyo Axmed Madobe oo kulmay

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa maanta tagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo soo dhaweyn heersare ah loogu sameeyay isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo oo wasiiro ay kamid ahaayeen.

Wafdiga waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa, waxaana loo galbiyay madaxtooyada maamulka Galmudug ku leeyahay magalada Cadaado, halkaasi oo kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo shir gaar ah yeeshay ayaa waxay kaga hadleen arimo dhowr ah laakiin hogaamiyaha Jubbaland ayaa doonaya in Guuleeduu ka qeyb galo xaflad ka dhaceyso labo maalin kadib magaalada Boosaaso.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ka dhaadhiciyay fikirkiisa hogaamiyaha mamulka Galmudug, kaasi oo ah inuu tago magaalada Boosaaso oo 8 Janaayo lagu qabanayo labo sano guuradii kasoo wareegatay maamulka Gaas iyo furitaanka garoon laga dhisay magaalada Boosaaso.

Waxaa magaalada Boosaaso tagay masuuliyiin kale duwan oo kamid yihiin Cali Maxamed Geedi , Salaad Cali Jeele iyo C.welli Sheikh Maxamed oo ka qeyb galaya xaflada ka dhaceyso magaalada Boosaaso.

Axmed Madoobe iyo Guuleed ayaa maalmo ka hor isku arkay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo kulan ku yeesheen.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com