Yuusuf Garaad oo qoray qormo xannuun badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo kamid ahaa raga qurada ah ee saxaafada ayaa warbixin dheer ka qoray nin ay saaxiibo ahaayeen oo u geeriyooday sida warbixinta laga dheehan karo daryeel la’aan caafimaad.

Hoos ka akhriso warbixinta

Allah ha u naxariistee waxaa caawa qabri u hoyanaya walaalkeen Maxamed Cabdi Mascuud.
Ilaahow Janno ugu bishaaree.

Wuxuu ahaa nin dhallinyar, dabeecad wanaagsan, xushmad badan, bulshaawi ah sida darteedna ku xiran dad badan oo ay saaxiib ahaayeen. Weriyayaal, fannaaniin, cayaaryahanno, saraakiil ciidanka ah, ganacsato, siyaasiyiin iyo noocyo kale oo bulshada ahba wuxuu ku lahaa saaxiibbo.

Dadaal badan ayuu ka muujiyay saxaafadda iyo warfaafinta oo uu ka shaqeynayay muddo. Howlo bandan ayuu qabtay qaar ka sii bandanna qeyb ayuu ka ahaa. Hadda wuxuu la shaqeynayay Wasaaradda Amniga qeybteeda Faafinta.

Wuxuu ahaa nin dhallinyar oo howlo badan oo tabarruc iyo samafal ah ka qeyb qaatay.

Aad ayuu u adeegsan jiray saxaafadda bulshada. Wuxuuna si gooniya u xiiseyn jiray sawirrada oo uu qaadistooda ku fiicnaa iyo video-ga oo uu asagana edit gareyn jiray. War uu soo dhigo Facebook waxaa ugu dambeeyay bishii Novembar 2015 kaas oo uu ugu hambalyeeyay Ilwad Elman iyo Hooyadeed Fartun C. Adan oo ku guuleystay Abaalmarin.

Lama dilin Mascuud. Xanuun ayaa soo riday, Isbitaalka Digfeer (sida weli loo yaqaan) ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay qiyaastii laba usbuuc ka dibna wuu ku geeriyooday. Allah ha u naxariisto.

Saaxiibbo badan ayaa maanta ku soo bandhigay saxaafadda Bulshada sida ay uga murugoodeen Mascuud geeridiisa, in ay ka tacsiyeynayaan iyo in ay Allah u baryayaan. Dabcan waxay raaciyeen wanaaggiisa oo ay Soomaalidu inta badan u qirto qofka, keliya marka uu dhinto ka dib!

Sida qof ay ehel yihiin uu ii sheegay, Mascuud wuxuu ku jiray Isbitaal aan xaaladdiisa caafimaad waxba ka qaban karin. Dowladda uu u shaqeynayay iyo saaxiibbadiisa faraha badan midkoodna kuma guuleysan in uu geeyo Isbitaal xaaladdiisa oo kale lagu daweeyo.

Mascuud oo dhallinyarada da’diisa ah kuwa ugu dhaqdhaqaaqa iyo firfircoonida badan ka mid ahaa, xiriirro fara badan lahaa, Dowladdana u shaqeynayay, markii uu xanuunsaday ma helin cid u gurmata oo geysa isbitaal xaaladdiisa wax ka qaban kara. Bal qiyaas ninka ama gabadha isaga ku fac ah ee aan shaqeyn ee aan xiriirrada uu leeyahay oo kale aan lahayn.

Geerida Mascuud waxay tahay in aan iska weydiinno dhowr su’aalood.

Ujeeddadu waa in aan dalka fahamno, waxa ay tahay in ay Dowladdu u qabato shaqaalaheeda iyo dadka tabarruca ay raalliga ka tahay kula shaqeeya aan is weydiinno, waxa bulsho ahaan iyo saaxiibbo ahaan ay tahay in aan isu qabannana aan is xusuusinno.

Jawaabaha qaarkood waa lagala dhex bixi karaa qormadeyda, laakiin jawaabaha oo dhan anigu ma hayo. Qof kasta isaga ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in uu raadiyo siiba suxufiyiinta Soomaaliyeed gudo iyo dibadba.

Maxay tahay tayada adeegga caafimaad ee dalku? Gaar ahaan Muqdisho, oo Saaxiibkeen ku geeriyooday, heerkee ayay gaarsiisan tahay?

Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay su’aalhaas jawaabahooda hadda kuma khasbanid in aad baarto oo aad ogaato. Sababta oo ah mashquul ayaad tahay ama waxay kula ahaan kartaa in aanay jirin wax kugu kallifaya.

Laakiin haddii aad Xamar ku nooshahay ama aad ehel iyo saaxiibbo ku leedahay sida ay Soomaalidu u badan tahay ama aad mar uun dooneyso in aad booqato, ogow waxaa laga yaabaa in aad jawaabaha su’aalahaas aad u baahato in aad daqiiqado yar gudahood ku ogaato. Go’aanka aad gaartana waxaa laga yaabaa in uu noqdo go’aan geeri iyo nolol ama mid ka daba dhow.
Nasiibkaas waxa aad heleysaa oo keliya haddii adiga oo xiskaaga qaba aad u baahato Isbitaal. Dad badan waxaa go’aan loo gaaraa oo Isbitaal loola cararaa ayaga oo aan talada wax ku lahayn xaaladda ay galeen awgeed. Xataa dadka go’aanka u gaaraya waxaa laga yaabaa in aanay is aqoon maaddaama aad ku dhaawacmi karto ama aad xanuun dartiis ku miyir beeli karto waddada ama meel kale oo aan ahayn gurigaaga ama goobtaada shaqada ama waxbarashada.

Waxaa kale oo aan u baahan nahay in aan is weydiinno qofkii xanuunkiisa ama dhaawiciisa aan wax looga qaban karin dalka gudihiisa, waxa ay soo kordhineyso in isbitaal la dhigo si xanuunka uun loo sii illowsiiyo qalbigana lagu qabowsado in uu isbitaal ku jiro?

Maxay tahay muhiimadda ay leedahay in tayada Isbitaallada kor loo qaado, la is waafajiyana nooca uu dalkeennu ugu baahi badan yahay iyo adeegga caafimaad ee laga heli karo?

Inta taas la gaarayo, yey mas’uuliyadi ka saaran tahay qofka aan xaaladdiisa dalka wax looga qaban karin in Isbitaal dibadda ah loo qaado? Saddexda dal ee xagga dhulka soohdinta nala leh, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya saddexduba way nooga horreeyaan adeegga caafimaadka? Turkiga, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar iyagana dhowr jeer ayaa dad dhaawac ah ama xanuun hayo loo qaaday. Qofkii isagu awooda ama ehelkiisa ama saaxiibbadiis ay ka bixinayaan India iyo Malaysia iyagana caafimaad waa loo tagaa.

Qofka xanuunsan ama dhaawaca ah hadduu yahay shaqaalaha Dowladda Isbitaallada guduhuna aanay wax ka qaban karin, maxay tahay mas’uuliyadda hey’adda uu ka tirsan yahay ka saaran in bukaankaas isbitaal dibadda ah la geeyo? Wakhti intee le’eg ayay tahay in hey’adda laga warsugo.

Isbitaallada Muqdisho lix ka mid ah ayaan booqday. Qaarkood dadaal badan ayaa ka socday oo loogu adeegayo bulshada inkasta oo mid kasta adeeggiisu uu lacag ahaa, dadkuna aanay wada haysan. Anigu baaritaan ma sameyneyn ee qof xanuunsan ayaan booqday ama saaxiibbo booqanaya aan la socday. Inta ay isheydu qabatay iyo tayada adeegga uu helay bukaanka aan booqday oo keliya marka aan ku qiimeeyo lixda Isbitaal midkoodna anigu kuma qancin. Weliba qaar ka mid ah fayadhowrkooda ayaan aad u saluugay.

Waxay ila tahay in qormadeydu ay soo bandhigtay su’aalo ka badan kuwa ay ka jawaabtay. In aan isu kaashanno jawaabaha ayaan u baahan nahay.
Mascuud waxaan isku barannay Mombasa, inta badanna waxaan isku arki jirnay Nairobi. Sanooyinkii u dambeeyay wuxuu u soo laabtay dalkiisa oo Muqdisho ayuu ka shaqeynayay.

Saaxiibkeen Mascuud Allah ayaan u baryayaa waxaanna saaxiibbadiis iyo saaxiibbadeey oo dhan aan ka codsanayaa in ay u duceeyaan oo Allah u baryaan in uu naxariista Janno ka waraabiyo.

WAXAA QOREY YUUSUF GARAAD

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com