Heshiis dhex maray Gen. Gabre iyo beesha Ceyr

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho uu wada hadal dheer ku dhex maray wax garadka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beesha Ceyr Habar Gidir iyo General Gabre oo uu wehliyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya.

Wada hadalka ayaa lagu falanqeeyay arrimo badan oo xasaasi ah, haba ugu badnaadeen sidii beesha Ceyr aay u taageeri lahayd maamulka GalMudug.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa halka lagu kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saleysan in wada shaqeyn iyo iskaashi joogta ah uu dhex maro xukuumadda Itoobiya iyo beelaha dega gobolada dhexe. Waxaa kale oo aay beeshu taageertay in la keeno ciidamo Itoobiyaan ah degaanada Galgaduud gaar ahaan Dhuusamareeb, iyo in la isku dhafo maleeshiyaadka beelaha iyo kuwa Ahlu Sunna.

Heshiiska ayaa waxaa beesha Cayr u saxiixay Dr. Maxamuud Maxamed Culusow oo lagu wado in dhawaantan loo magacaabo safiirka Soomaaliya u fadhin doona Addis Ababa. Iyadoo lagu qanciyay in uu ka tanaasulo in uu isku soo sharaxo jagada madaxweyne sanadka 2016.

Siyaasiin badan oo ka soo jeeda beesha Ceyr mugna ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday in aay la fariistaan lana saxiixdaan heshiis General Gabre. Siyaasiinta oo u badan xildhibaano iyo rag kale oo hore jagooyin waaweyn uga soo qabtay Soomaaliya, ayaa u arka in heshiiskan lagu keenayo ciidamo Itoobiyaan ah gobolada dhexe uu qatar ku yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxa hadda aay ciidamo kor u dhaafay 12 kun aay ka joogaan dhammaan gobolada koofureed ee Soomaaliya, iyagoo uu hamiga Itoobiya yahay in aay ciidamadooda ka howl galaan Muqdisho ka hor inta aanu dhicin doorashada 2016.

Itoobiya ayaa cabsi weyn ka qabta in doorashadan aay noqoto mid aay ku soo baxaan siyaasiin kasoo horjeeda danaheeda Soomaaliya, waxaana ka go’an in aanay taa dhicin oo doorashada ciidamadooda aay ka mid noqdaan kuwa sugaya ammaanka Muqdisho iyo midka Villa Soomaaliya,

Waxaa dhawaan xilkii madaxa AMISOM lagu wareejiyay Genearal Itoobiyaan ah, taasoo u suurto gelin doonta Itoobiya in aay ku baahda dhammaan gobolada Koofureed iyadoo ku mashquulin doonta Soomaalida is-qab qabsi aay abuurto sida midka hadda ka jira Bakool.

EthiopiaEthiopi1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com