Xildhibaannadii Shariif Xasan oo loo diiday in ay galaan Ceelbarde iyo xiisad ka taagan magaalada

Ceelbarde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay markii maanta degmada laga celiyay diyaarad siday xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo Xudur ka tagay.

Xildhibaanada oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa saaka ka tagay degmadaasi iyaga oo watta diyaarad, laakiin uma aysan suuro galin ujeedadii ay lahaayeen oo aheyd iney tagaan magaalada Ceelbarde.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya balse taageersan maamulka Bakool sare ayaa u muuqday mid ku faraxsanaa in ciidamada ku sugan degmadaasi ay dib u celiyaan diyaarada ka tagtay magaalada Xudur ee ka degtay magaalada Ceelbarde.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn in xildhibaanada la celiyo balse dhibka jira ayuu ku sheegay ineysan u dhalan deegaanka ayna wadin wax dadka deegaanka dani ugu jirto, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaanada la celiyay waa saaxibadey, laakiin deegaankan uma dhalan, wax wanaag ahna uma socon, in la celiyo waan soo dhaweynayaa. Waxaan u mahadcelinayaa ciidamadii celiyay, haddii kale meeshaan dagaal baa ka dhici lahaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Xeerow.

“Ceelbarde waxaa ka jira Maamul ay dhisteen dadka deegaanka oo rabitaankoodu ku shaqeeya, Xildhibaanaduna wax wanaag ah uma socon.”

Xildhibaanada loo diiday inay galaan Degmadaasi Ceelbarde, ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Aadan Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor).

Caasimada Online
Xafiiska Bakool
Caasimada@live.com