Arag sawirada kulanka Shariif Xasan iyo Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowlada Federaalka iyo Xildhibaanno ayaa Habeenimadii xalay kulan kula qaatay Koonfurta Gaalkacyo Madaxwaynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed.

Waxa ay ka wada hadleen daminta xiisadda ka taagan degmada Gaalkacyo ee u dhexeysa Galmudug iyo Puntland.

Wefdiga la kulmey Madaxweynaha Galmudug oo isagu gelinkii danbe ee shalay gaarey magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa wefdigii Ra’isul wasdaaraha Somaalia ee Gaalkacyo.

Shariif Xasan ayaa kulanka ka yeeshay in dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Somalia mar walba uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xasilloonida dalka.

Isagoo boggaadiyey sida ay Madaxda Galmudug dhankooda u aqbaleen in wixii khilaafka ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is qancin.

Dhanka kale. Madaxwayne Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyey Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdiga la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda sokeeye ee ka taagan deegaanka, iyadoo uu xusay Galmudug dhankooda in ka go’an tahay wax walba oo lagu soo celinayo nabadda deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.
Shariif xasan iyo Guuleed 1

Shariif xasan iyo Guuleed2

Shariif xasan iyo Guuleed3