Xog: Axmed Madoobe oo beddelay mowqifkii uu ku xalin lahaa dagaalka Galkacyo cadeystayna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo safar ku jooga magaaladaasi uu dib uga laabtay mowqifkiisii ahaa xalinta Colaada ka taagan Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntlan oo wada qaatay kulan qolka dhexda laga soo xirtay ayaa waxaa leysla gorfeeyay Dagaalka, waxa uuna Gaas, Madoobe u sheegay in dagaalka loo rogay dhinac isbaheysi.

Gaas ayaa Axmed Madoobe ka dhaadhiciyay in Dagaalka ay fangareyneyso/maalgalineyso DFS islamarkaana loo bedelay qaab xarako si deegaanada Puntland looga dhigo deegaano ay ka jiraan xasil darro.

Axmed Madoobe oo ka duulaaya arrintaasi ayaa ka shanqariyay in qaabka ay colaada u socto ay tahay mid Maamulka Galmudug lagu garabsiinaayo, waxa uuna si dadban u sheegay in Galmudug ay ka dheereyneyso talaabadeeda, balse waxa uu sheegay inay xalin doonaan ilaa iyo xad.

Axmed Madoobe oo Garoowe u gaaray ka qeybqaadashada xalinta Colaada ayaa waxa uu lasoo baxay waji cusub isaga oo garabsiinaya Maamulka Puntland.

Kulamada is xig xiga ee u dhexeeya labada Mas’uul ayaa muujinaaya mid loogu tashanaayo Maamulka Galmudug iyo DFS, oo lagu tuhunsan yahay inay isla safan yihiin, sida uu horayba u sheegay C/weli Gaas.

Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ayaa iminka u midoobay hurinta Colaadaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waxa ayna shaki galiyeen Wafdiga uu hogaaminaayo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid oo halkaasi u joogay xalinta Colaada.

Si rasmi ah looma saadaalinkaro Biyo dhaca kulamada xooliga ah ee ka socda magaalada Garoowe, inkastoo Axmed Madoobe uu qaab Qabiil u rogay Natiijadii laga filaayay in kulamadaasi laga gaari doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com