Sawirro: Khasaaraha suuq ku gubtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dab uu ka kacay Suuq ku yaal magaalada Muqdisho, dabkani ayaa burburiyay suuqan ganacsiga oo ku yaala isgayska Banaadir.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka bilaawday goob maqaayad ah kadibna uu ku fiday goobo kaloo ganacsi.

Goobaha dabka uu baabi’iyay waxaa ka mid ah, Dukaamo, Maqaayado, Farmashiye iyo xarumo kale, kuwaasi oo si saf ah meesha ugu yaalla.

Goortii ay hantidaasi uu dabka baabi’iyay ayaa waxaa halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka ah ee loo yaqaan dab damiska.

Dad goobta ka’ag dhawaa markii uu dabku bilaw ahaa, ayaa Warbaahinta u sheegay in ganacsiyadii suuqa uu dabku baabi’iyay.

Ma jirto khasaaro nafeed ka dhashay dabkaasi markii laga soo tago baaba’a hantidaasi.
a1

a2

a3

a4

a5

a6

a7

a8

a9