25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Isbitaalka Beledweyne oo 3 bil kadib la xirayo.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa walaac xoogan ka muujiyay is albaabada la isugu dhifto isbitaalka magaalada labo arin darted, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka.

Axmed Maxamed Qaliif, agaasimaha isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in isbitaalka uu halis ugu jiro in gabi ahaanba la xiro sabab la xiriirta mushaar la’aanta shaqaalaha isbitaalka  iyo dawo la’aan ka jirta isbitaalka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in qeybaha kala duwan ee isbitaalka ay ka jirto daawo la’aan baahsan, iyadoo dadka isbitaalka joogana uu sheegay iney daawo u baahan yihiin.

“Isbitaalka waxaa uu halis ugu jiraa in la xiro, sababtoo ah mushaar la’aanta shaqaalaha wey badan tahay iyo daawo la’aan ka jirto isbitaalka, waxaa halis aan ugu jirnaa inaan iska xirno haddii aan xal loo helin muddada sanadka cusub ka dhiman”ayuu yiri agaasimaha.

Waa markii labaad oo uu agaasimaha isbitaalka magaalada Beledweyne uu shaaciyo in isbitaalka uu halis ugu jiro inuu xirmo maadaama hayadihii gacanta ku hayay ay isbitaalka isaga tageen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News