SAWIRRO: Finland oo soo saartay go’aan madax xanuun ku riday SOOMAALI badan (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Finland ayaa mar kale ku dhawaaqday in gabi ahaanba ay joojineyso dadaaladii ay magangalyada kusiin jirtay Qaxootiga Soomaalida.

Dowlada Finland waxa ay go’aankaasi ku sheegtay mid ay ku daraaseyneyso tirooyinka Qaxootiga oo ay aqbashay todobaadyadii ugu danbeeyay.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in xiligaani aysan jirin sabab ay ku aqbasho Soomaalida, kadib markii ay sheegtay in xaalada amni ee dalka Somalia ay kasii reyneyso sidii hore.

Go’aankaani ayaa waxaa soo saaray waaxda Socdaalka Finland oo sheegtay in isbedelka socda uu saameyn doono Dowlado kale oo qaxooti ka jooga dalkeeda.

Tiro koob hordhac ah oo waaxdaasi ay soo bandhigtay ayay ku sheegtay in qaxootiga dhawaan aqbashay ay dhan yihiin ku dhawaad 17,000 oo qaxooti ah, kuwaasi oo 10% ay u dhasheen Somalia, halka 69% ay yihiin Iraqiyiin.

Go’aankaani ayaa soo baxay xili mudooyinkii ugu danbeeyay dalalka Midowga Yurub ay gaarayeen boqolaal kun qaxooti ah oo ka tagay Bariga Dhexe iyo Qaaradda Africa kuwaasi oo dalalkooda uga cararay dagaallo iyo Sabooltinimo, waxa uuna go’aankaani walaac gaar ah ku abuuray Soomaalida.

22

"</p

44

"<br 66

77
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com