Ahlu-Sunna oo magacawday maamul cusub oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa si rasmi ah u magacaabay Maamul cusub oo ay yeelan doonto Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Xassan Maxamuud Warsame oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna, ayaa sheegay in Maamulkaasi uu ku yimid baahiyaha shacabka ku nool Degmada Caabudwaaq loona baahan yahay in loo hogaansamo.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa kaloo uu sheegay in tirada xubnaha loo magacaabay Degmada Caabudwaaq ay gaarayaan ilaa iyo 14 Xubnood kuwaasi oo lagu soo magacaabay Dekreto ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in cidii ka hortimaada Maamulka cusub ay ka qaadi doonaan talaabo adag islamarkaana uu muteysan doono ciqaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Degmada loo sameyn doono Ciidamo gaar ah, waxa uuna carab dhabay in Ciidamada ku sugan qeybo kamid ah Degmada ee aan Maamulka u diiwaan gishneyn ay kula jiraan wada hadal mirro dhalkiisu uu noqon doono wadashaqeyn.

Waxa uu xusay in Maamulka la magacaabay looga baahan yahay inay gutaan waa jibaadkooda islamarkaana lagula xisaabtami doono wax waliba oo ka dhaca Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Magacaabida Maamulka Cusub, ayaa imaanaysa xili uu sii xoogeysanaayo Khilaafka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna kala dhexeeyo Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com