Puntland oo hanjabaad iyo digniino u jeedisay…!

Garoowe (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Saciid ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradu ay muddo kooban gudaheeda albaabada u laabi doonto Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla deegaanada hoostaga Maamulka.

Wasiirka ayaa wareegtadiisa ku sheegay in dhakhaatiirta ka howlgasha gudaha iyo daafaha Puntland looga baahan yahay in dadaaladooda Caafimaad ay geeyan deegaanada fog fog ee maamulkaas Puntland, haddii aysan ka shaqeyn karin meelaha baahiyaha Caafimaad ay ka taagan yihiina aanu ka shaqeyn doonin Puntland islamarkaana la xiri doono goobahooda Caafimaad.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka uu xarumaha aan go’aankaasi fulin kala laaban doono ruqsada ay kaga howl galaan deegaanada maamulka Puntland.

Go’aankaani ayaa ah mid lagu cadaadinaayo dhakhaatiirta iyo Xarumaha Caafimaad waxa uuna u muuqanayaa go’aanka mid loogu hanjabaayo dhakhaatiirta.

Dhakhaatiirta qaar ayaa sheegay inaysan awoodin inay u hogaansamaan go’aankaasi kadib markii ay sheegen inay yihiin xarumo si gaar ah loo leeyahay, go’aankaasina uu yahay mid Maamulka uu uga gaabinaayo shaqooyinkii laga rabay inay u qabtaan shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com