Arrimaha xiga ee dhici kara kadib fashilka ku yimid wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda Mursal Maxamed Saney ayaa ka hadlay burburka ku yimid wada-hadalladii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare iyo waxa xigi kara.

“Horta aan wadahadalno waa aan heshiino, waana soo dhaweyneynaa inay wada hadlaan oo ay is horfariistaan madaxda iyadoo weliba ay dadaal ku bixinayaan mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah, in lagu kala tago arrintaas aad ayay shacabka Soomaaliyeed uga niyad jabeen, waxaa la sugayay in lagu heshiiyo,” ayuu yiri Mursal Saney oo la hadlay BBC

Saney ayaa sheegay in mar haddii lagu kala tagay wada-hadallada inay jiraan wax badan oo aad loogu kala aragti duwan yahay.

“Waa wax laga xumaado in hal koox oo dowlad isku ah oo wada joogo hal guri oo 500 oo mitir ah ka yar ay hogaanka dalka isku fahmi waayaan, arrintaasi niyad jab weyn ayay keentay,” ayuu yiri agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda.

Mursal Saney ayaa sidoo kale hadlay in hadda ay imaan karto faragalin dhanka caalamka ah oo la isugu keenayo Farmaajo iyo Rooble, maadaama dadaalladii Soomaalida oo ay wadeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay fashilmeen.

“Waxaan aad u aaminsaanahy oo aan markasta ku cel-celinaa in Soomaalida iyaga xallistaan arrimahooda sababtoo ah ceeb ayay nagu tahay in 30 sannadood iyo ka badan nalagu dhex-jiro balse haddii la heshiin waayo khasab ayay nagu noqonaysaa, marka waxa laga hadlaayo ugu weyn waa doorasho iyo arrimaha cadaaladda marka arrimahan faraha ayay la soo geli doonaan iyadoo intaan laga fool-xun-yahay oo Soomaalida ay ka ihaaneysantahay shacab iyo madaxba ayaa waxaa la isku khasbi doonaa wixii markaas loo arko inay xal tahay ,” ayuu yiri Musrsal.

Waxa uu intaas ku daray in haddii ay fashilmaan dadaallada beesha caalamka ay xaaladdu faraha ka bixi karto oo ay isku rogi karto dagaal.

“Haddii ay timaaddo in lagu heshiin waayo waxaa inoo muuqda in colaad iyo dhibaato keeni karto, taas waan ka digeynaa in dalkaan loo horseedo colaad iyo dhibaato, dalkaan waxaa la rabaa in doorasho la aado oo sidii horay u dhici jirtayba si nabad ah la isugu wereejiyo xilka xitaa haddii madaxweynaha hadda joogo dib loo soo doorto waaa in dalka uu sii hogaamiyo,” ayuu yiri.