GAAS oo soo jeediyey arrin xal u noqon karta loolanka Farmaajo iyo R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul ayaa kusoo dhamaatay fashil, haddaba maxaa xal u noqon kara khilaafka Rooble iyo Farmaajo?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada dhinac ay iskugu soo dhawaan karaan, islamarkaana xal u noqon karta khilaafkooda siyaasadeed in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday.

Gaas ayaa qaba in Rooble uu sameeyo isku shaandheyn, iyada oo wasiirka uu wasaarad u quudhsado u dhiibo wasaarad kale, si loo ilaaliyo is-dhinac saarka siyaasadeed ee xiisada kiciyey.

“Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in agaasimaha NISA loo magacaabo qof saddexaad, oo labada dhinac kalsoonidooda siin karaan, maadama xiisada ugu culus ka dhalatay gacan ku haynta booskaas muhiimka ah, oo Rooble sarkaal u magacaabay, halka Farmaajo-na u magacaabay sarkaale uu wato.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna waxay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Waxa kale oo la qabaa in labada dhinac ay isla qaatan in marnaba aan laga wada-hadli karin, xal banaanka ahna laga gaari karin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo ah halka ay ka bilaabatay xiisadu.

Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin, waxaana muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugida.

Si kastaba, Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad.