Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay ergeyga M/Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, ammaanka iyo xoojinta mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo deegaanada Galmudug.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg.

Qoor Qoor ayaa kulanka uu la yeeshay Ms. Tiina Intelmann si gaar ah xoogan ugu saaray Msmashaariic horumarineed ee uu Ururka Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug.

Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danjirada Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bedashay Nicalos Berlang oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahiil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dishay Al-Shabaab.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si xal looga gaaro khilaafka dalka.