Maxaa dhici kara, haddii ay cadaalad weyso IKRAAN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay’adda nabad sugidda ay shaacisay inay dileen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sheekha oo la hadlay telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday, haddii aan wax laga qaban arrinta Ikraan in gabdho badan oo Soomaaliyeed ay saameyn ku yeela doonto dhacdadaan, ayna soo wejihi doonto cabsi la mid ah waxa ku dhacay Ikraan Tahliil Faarax.

“Ikraan Tahliil waxa ay u aheyd Role Model iyo in lagu deydo gabdho fara badan oo soo kacayey, haddii arrinteyda wax laga qaban waayo gabdha fara badan baa oranaya waddadii Ikraan in la’ii mariyo ma rabo, saas darteed dowladba uma shaqeynayo” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan-yahay in si weyn loogu doodo Ikraan, si ay cadaalad u hesho, isla-markaana ay arrinteeda u noqoto mid lama illaawan ah.

“Waxaan dooneynaa arrintan in dood adag iyo meel adag la gaarsiiyo in loo dood in laga hadlo in la yiraahdo Ikraan waxay mudatay inay cadaalad hesho waxaan rabnaa inay noqoto darsi iyo mid lama illaawaan ah,” ayuu markale yiri Sheekh Cabdiraxman Shariif.

Ugu dambeyn wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaahaan kiiska Ikraan, si looga dhigo mid caalami ah, sida dilka ninkii madowga ahaa ee Mareykanka George Floyd.

“Waxaa doonaynaa in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo sida kii George Floyd oo caalamka ruxay,” ayuu sii raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisad xoogan oo ka dhalatay arrinta Ikraan ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka.