Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Sida uu qorshuhu yahay maanta oo ay tahay 13-ka September ayaa waxaa la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta isa soo diiwaan-geliyey oo gaaraya illaa 27 musharax.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo ka hadlay diyaar garowga doorashooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnaha musharixiinta ah ee isdiiwaan-geliyey inay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay haatan si wanaagsan ay wax ku socdaan, isla-markaana hadal jeedinta, kadib ay guda-geli doonaan qabashada doorashada Aqalka Sare.

HirShabelle ayaa doorashada ay qabaneyso waxa ay ka duwan tahay doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale, waxaana tartanka uu yahay mid furan.

Kuraasta qaar sidoo kale waxaa ku tartamaya ugu yaraan 3 xubnood, kuwa ugu badan waa lix xubnood, taas oo muujineysa in HirShabelle aysan kuraasta u xiriin dad gaar ah.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, iyada oo doorashadan ay ku xigi doonto mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.