QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax

New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Amina Mohammed oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA.

Amina ayaa taageertay in kiiska gabadhaas la mariyo cadaaladda, taasi oo ah mowqif raacsan kan ra’iisul wasaare Rooble, qoyska gabadha, iyo inta abdan shacabka Soomaaliyeed.

“Sareynta sharciga iyo caddaalad helista waa u muhiim in haweenka laga ilaaliyo rabshadaha, waana wax ay xuquuq u leeyihiin dhammaan haweenka,” ayey tiri. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay uga mahad-celiyey QM inay taageertay mowqifkiisa ah in qoyska Ikraan Tahliil Faarax ay helaan caddaalad.

Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.”

Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo.

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

“Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay beesha caalamka soo saartay.