Beesha Jareerweyne oo fashilisay doorasho ka dhici laheyd Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku imaaday Doorashada guddoonka Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle, kadib markii uu isbedel ku imaaday Beesha Jareerweyne.

Dib u dhaca doorashada ayaa la sheegayaa inuu yimid markii ay howlka doorashada faarujiyeen Xildhibaanada ka soo jeeda beesha Jareerweyne oo iyagu dhaliilo tabanaaya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadu ay diideen inay ka qeybgalaan tartanka doorashada Guddoonka baarlamaanka waxa ayna ku doodeen in aan lagula tartami karin Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka ay xaq u leeyihiin Beesha Jareerweyne.

Beesha Jareerweyne ayaa wacad ku martay inay iska casili doonaan dhamaan xubnaha ay maamulka cusub ka heleen, waa haddii aan wax laga qaban cabashadooda.

Xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isu soo sharaxay saddex xildhibaan oo mid ka mid ah uu ka soo jeedo beesha Jareerweyne halka labada xildhibaan ee kale ay yihiin xildhibaano beesha Gaaljecel u dhashay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somalia Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa iminka ku howlan xalinta cabashadaani, waxa ayna dalbanayaan in Guddoomiyaha aan lasiin karin cid aan iyaga aheyn.

Lama oga sida lagu raali galin doono Beesha Jareerweyne oo iyaga aan ku raali aheyn in laga boobo xilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com