Guddoomiyaha baarlamanaka Hir-Shabelle oo la doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka cusub Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa waxaa loo doortay Cismaan Barre Maxamed.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 61-Cod oo ay bixinayeen Xildhibaanada, halka Abuukar Xassan Maqaney oo la Tartamayay uu asna helay 28 Cod.

Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa u kala codeeyay labada Musharax, waxaana ugu dambeyn ku guulesyatay Sheekh Cusmaan Barre oo keensaday 61 cod.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu dhaariyay Hoolka uu ka soconayo Shirka Maamul u sameynta.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com