Maxey DFS u xaqireysaa abaalka Qowmiyada Eritrea ee Somalia??

Nairobi (Caasimada Online)-Tan iyo wixii ka horeeyay xiliga gumeystaha waxaa dalka Somalia ku noolaa kuna carruur dhalay Shucuub asal ahaan kasoo jeeda dalka eritrea, balse ay dhaleen Hooyooyin Soomaaliyeed kuwaasi oo iminka cabasho ka muujinaayo kalsooni darro ay u muujisay Dowlada Somalia.

Qowmiyadaani eritrean-ka ah oo miisaan ku dhex lahaa Somalia ayaa waxa ay dalka ku noolyihiin facii 5-aad balse waxaa muuqaneysa in DFS ay indhaha ka qabsaneyso abaalka ay Qowmiyadaani ku leeyihiin Soomaalida.

Qowmiyada eritrean-ka ee ku dhaqan Somalia waxaa la duudsaday xuquuqdii ay ku lahaayen Somalia, tan iyo wixii ka danbeeyay dhicitaankii Dowladii Dhexe ee Somalia, halka dowladihii hore ay ahaayen kuwo ay ka dhexmuuqden.

YAA ISKA DHALAY ERITREAN-KA SOOMAALIDA AH

Qowmiyada Eritrean-ka Soomaalida ah Seddex meelood laba meel iyo bar waxa ay ku dhasheen Somalia, waxaana iska dhalay Aabe eritrean ah iyo Hooyo Soomaaliyeed.

Qowmiyada Eritrean-ka Soomaalida ah ee ku dhex nool Somalia waxaa carruur u dhalay Gabdho Soomaaliyeed kuwaasi oo sii xoojiyay xuquuqda iyo jiritaankooda Somalia.

Waxa ay Soomaalida ku dhex milmeen xiligii gumeystaha ka hor, waxaana xusid mudan in DFS aysan heynin Taariikhdooda maadaama ay kuraas ku dhex lahaayen Dowladihii hore.

MAXAA LAGU XASUUSAN KARAA ABAALKOODA

Waxaa lagu xasuustaa kaalin lama ilaabaan ah oo ay ka qaaten Koboca dhaqaale ee Somalia, Wax soo saarka, Dhismooyinka ilaha dhaqaale ee Somalia, tabcashada beeraha, Warshadaha iyo in Dowladihii hore ee Somalia ay ku lahaan jireen kuraas cayiman.

KAALINTA QOWMIYADA ERITREAN-KA EE DIB U XOREYNTA SOMALIA

Qowmiyada Eritrean-ka kuwii hore iyo kuwa iminka ku dhex nool Somalia, waxaa ku jiray Saraakiil, Gaashaanlayaal, Korneelo usoo halgamay Somalia, isla markaana qaarkood ay naftooda ku waayen rasaasta ay jirkooda u dhigayeen iyagoo difaacaaya Calanka iyo dadnimada Somalia.

Labaataneeyo Saraakiil ka tirsanaa Qowmiyada Eritrean-ka Somalia ayaa naftooda ku waayay difaaca Somalia, kuwaasi oo astaan u ahaa Dagaaladii Somalia ay soo martay ee Taariikhiga ahaa, waxa ayna kamid ahaayen dhammaan qeybaha kala duwan ee Hay’adaha amaanka iyagoo ay darajooyin ciidan ku taxan tahay.

SHARCIGA MUXUU KA QABAA IN LASIIYO XUQUUQDA AY SOMALIA KU LEEYIHIIN

Sharciga dalka waxa uu qabaa in Shucuubta ceynkaasi ah ay xuquuq ahaan lamid yihiin Beelaha kale ee Soomaalida, iyagoo lahaan doona mid lamid ah kuwa ay helayaan Beelaha kale.

SIDEE AYAY DOWLADA SOMALIA U ARAGTAA QOWMIYADA ERITREAN-KA SOMALIA

Waxaa jiray in Sodomeeyo jeer ay Qowmiyadaani warbaahinta cabasho u marisay Dowlada Somalia balse aysan Dowladu mas’uuliyad iska saarin Xuquuqda Qowmiyadaani.

Waxa ay ka gaabisay inay bixiso xuquuqda Qowmiyada ee uu sharciga dalka qabo, iyadoo og abaalka ay u galeen Somalia.

Qowmiyada Eritrean-ka Somalia waxa ay ahaayen Qowmiyadii ugu horeysay oo Somalia soo gasha, balse maqaam gaara lama siinin.

HALKEE AYAY SOMALIA KA DEGAAN ERITREAN-KA SOMALIA

Waxa ay deegaan ku yihiin Gobolka Sh/Dhexe, Sh/Hoose iyo Degmooyinka kala ah Waaberi, Xamar-Jajab, Xamar-weyne, Shangaani oo aan dhamaantooda waxba laga siin.

MAXAY QOWMIYADA ERITREAN-KA AH NAGA MUDAN TAHAY

Waxa ay naga mudan yihiin inaan siino xuquuqda sharciga ah oo ay ku dhex leeyihiin Beelaha kale ee Soomaalida, maadaama ay iska dhaleen Hooyooyin Soomaaliyeed iyo Aabooyin Eritrean ah.

Waxa ay xaq u leeyihiin in Dowlada Somalia ay ka helaan kuraas maadaama dalka uu ka gudbay burburkii ku habsaday.

GABAGABO:

Waxaan Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka ugu baaqi lahaa in Qowmiyada Eritrean-ka ah ay il gaara ku fiiriyaan maadaama ay yihiin Qowmiyad kuraas ku lahaan jirtay Dowladihii hore si looga hanaqaado Siyaasad xumida hadda ka jirta Somalia.

XUSUUSIN

Dowlada Somalia waxaan xusuusinayaa in Qowmiyada Eritrean-ka ay naftooda iyo dhiigooda usoo hureen gobonimada Somalia, iyagoo safka hore kaga jiray dagaaladii lagu soo celinaayay ciziga iyo sharafka Somalia, waxaana dagaaladaasi kaga dhintay Sodomeeyo Saraakiil, Gaashaanlayaal iyo Corneelo.

DHIIRI GALIN:

Dowlada Somalia waxaan ku dhiiri galinayaa inay la imaado dimuquraadiyad oo Dowlada Cusub ay ka dhexmuuqdan Qowmiyadaani maadaama ay xuquuq leeyihiin.

Dowladu waxaan ku dhiirigalinayaa in Baarlamaanka cusub ay hal ama laba kursi kasiiso Qowmiyadaani dhiigooda noo huray.

W.Q: Cumar Max’em Yusuf ”Garyaqaan”
Wadanka Canada

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com