Waa sidee iminka xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa saaka degan dhammaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Xaafadaha magaalada ayaa waxaa shalay ku dagaalamay ciidamada labada maamul kuwaasi oo isu adeegsanaayay Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labada dhinac ayaa is horfadhiya goobihii lagu dagaalamay.

Dadkii deganaa Magaalada ayaa isaga barakacay kol hore, waxaana sidoo kale la sheegayaa in maanta ay jiraan dadkale oo ka barakacaya xaafadaha ay colaada ka jirto.

Xaalada ayaa ah mid degan mana jirto wax rasaas ah oo laga maqlaayo goobihii uu dagaalka ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com