Khilaad meel xun gaaray oo ka dhextaagan Ugaaska Xawaadle & Waxgaradka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in khilaaf xoogan uu iminka soo kala dhexgalay waxgaradka Gobolka Hiiraan, kaasi oo salka ku haya hanaanka ay ku dhisi lahaayen maamul cusub oo mideyn doona keliya dadka dega Gobolka Hiiraan.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xassan iyo waxgaradka Gobolka, kadib markii ay ku kala booden shir ay ku yeeshen magaalada Beledweyne.

Khilaafka ayaa xoogiisa ka dhashay qaabka ay u dhisanayaan Maamul ay kaga soo horjeedaan Maamulka loga dhawaaqay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xassan ayaa sheegay in ujeedka loo dhisaayo maamulka cusub ee Hiiraan uu yahay ka hor imaanshiyaha wax waliba oo looga dhawaaqo magalaada Jowhar, waxa uuna tilmaamay in maamulka la dhisaayo uu ka madax-banaan yahay maamulada hoostaga DFS.

Ugaaska waxa uu sheegay in shuruudaha lagu dhisaayo maamulka cusub ee Hiiraan uu yahay mid ka hor imaanaya DF iyo kan laga dhisaayo Jowhar, waxa uuna si cad u qaadacay inay kasoo horjeedan waxa ka socda magaalada Jowhar.

Sidoo kale, shirarka iyo ololaha maamulka loogu dhisaayo maamulka cusub ee uu hogaaminaayo Ugaas Xasan ayaa waxaa kasoo horjeeda Maamulka Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka ayaa ka soo horjeestay in Gobolka Hiiraan lagu qabto shirar ka soo horjeeda midka ka socda Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddo dhowr jeer ayaa waxaa fashilmay wadahadal ay isugu yimaaden Xassan Sheekh iyo Ugaaska Beesha Xawaadle, waxgaradka iyo IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com