Beesha Caalamka oo amaro aad u culus dul dhigtay C/kariin Guuleed & C/wali Gaas

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa si adag uga hadlay dagaalada uu dhiiga badan ku daatay kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Wakiiladu waxa ay dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo colaadda magaalada Gaalkacyo, loo kala qaado ciidamada, loona fuliyo heshiiskii Gaalkacyo ee labada dhinac saxiixeen.

Waxa ay sheegen inaanu xiligaani munaasab aheyn in lagu dul dagaalamo shacabka dhexdooda, waxa ayna sidoo kale tilmaameen in loo baahan yahay in la xusuusto in Somalia ay iminka ku jirto xaalad kala guur ah, isla markaana dagaalka socda uu sababi karo dhibaato hor leh.

Waxa ay ku baaqen in si shuruud la’aan ah ay labada Madaxweyne Goboleed u hakiyaan colaada sii faafeysa waxaana sidoo kale la dul dhigay amar ah inaanu war laga soo celinkarin amarka colaada lagu hakinaayo.

Beesha caalamka waxay xusuusisay madaxweynayaasha C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed inay 2dii December 2015 saxiixeen heshiis ay ku balanqaadeen inay ka dhowrsan doonaan tallaabo kasta oo colaad kicin karta kadib dagaalkii Novembar sanadkii hore.

Beesha Caalamka ayaa sheegay in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay si xiisadda loo yareeyo, lana dardar geliyo heshiis la gaaro iyadoo la soo nooleynayo heshiiskii 2-da Decembar. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dowladda Soomaaliya waxay sameeyeen Guddi Farsamo oo dhinacyada ay quseyso kala shaqeeya sidii xabad joojin degdeg loo gaari lahaa loona joojin lahaa colaadda.

Dagaalka ka dhex oogan labada maamul ayaa waxaa ugu yaraan ku dhintay inkabadan 35 ruux, halka dhaawaca labada dhinacna lagu qiyaasaayo inkabadan 40 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com