Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan oo ku qul qulaaya magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Gaalkacyo gaaray ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo la sheegay inay gurmad u ahaayen ciidamada ku dagaalamaaya magaalada.

Ciidamada gurmadka ah ee soo gaaray kuwa Puntland ee furumaha dagaalka ku jira ayaa waxaa soo gaaray ku dhawaad Todobo gaari nooca dagaalka ah, halka kuwa Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyana ay soo gaaren ilaa Shan gaari oo gurmad ah.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in lagu guray xero ciidan oo ku taalla goobta ay labada ciidan ku dagaalamayaan, halka kuwa Galmudug iyaguna loo kala qeybiyay furumaha uu dagaalka ka socdo.

Dadka shacabka ah ayaa aad uga cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxa ayna ku baaqayaan in la qaboojiyo colaada labada dhan.

Dadka deegaanka ay colaada ka taagan tahay ayaa sheegay in gudaha xaafadaha lagu arkaayo gaadiid dagaal oo aad u farabadan kuwaasi oo ay la socdaan ciidamo aan horay uga qeybqaadan dagaalka.

Dadku waxa ay sidoo kale sheegayaan in labada ciidan ay isku muuqdaan isla markaana ay yihiin kuwo is horfadhiya.

Maamulada uu dagaalka u dhexeeya ayaa isku eedeynaaya bilaabida dagaalka, waxaana iminka muuqaneysa in labada Madaxweyne ay ka aamusayaan dagaalka uu dhiiga badan ku daadanaayo.

Dhinaca kale, dagaalka labada dhinac u dhexeeya ayaa waxaa ku nafwaayay dad aad u farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com