RW CC oo u kala dabqaadayo C/kariin Guuleed & C/wali Gaas

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG u ah Galmudug gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa Garoonka Cadaado kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka.

Ra’isul wasaare Cumar iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan ay la qaatan Madaxda Maamulka Galmudug, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadlayaan dagaal Seddex Asbuuc jirsaday ee ka dhexeeya Galmudug iyo Puntland.

La kulanka Madaxda Galmudug kadib ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ay u kictamaan dhanka Puntland.

Sharmaarke iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale Puntland kala hadli doona dagaalka si looga qeybqaato hakinta colaada taagan.

Dowlada Somalia ayaa xiligaani kusoo baraarugtay xal u helida colaada ka dhex oogan labada maamul, waxaana lagu wadaa in u kala dabqaadida labada dhinac ay guul kusoo idlaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com