Maleeshiyaad aad u hubeysnaa oo awood kula wareegay xarunta shirka ee magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)-Maleeshiyaad aad u hubeysnaa ayaa maanta si buuxda ula wareegay xarunta uu ka socdo shirka lagu dhisaayay maamulka Hirshabelle ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Maleeshiyaadkaani ayaa la sheegay inuu Hogaaminaayay nin lagu magacaabo Cali Xasan Taakow oo horay uga soo shaqeeyey Gobolka Banaadir.

Maleeshiyadaani ayaa isku gadaamay Xarunta waxa ayna xireen dhammaan waddooyinka gala xarunta shirkada Farjano oo uu shirka maamul u sameynta ka socdo.

Maleeshiyaadkaani ayaa la sheegay in muddo dhowr saac ah ay hakiyeen shirka, waxa ayna sidoo kale mamnuuceen dhammaan dhaqdhaqaaqa Xarunta uu shirka ka socdo.

Cali Xasan Taakow oo gudaha xarunta warbaahinta kula hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in meesha musuq maasuq lagu hayo, go’aankii shalayna uu yahay mid aysan aqoonsaneyn.

Ninkaani ayaa sheegay in shirka uu xiran yahay, haddii la isku dayo in shirka lafurna wixii ka dhaca masuuliyadiisa ay qaadeyso Dowladda Federaalka ah iyo ciddii ku taageertay, isaga oo awoodda uu ku joojiyey shirka ku sheegay in ay tahay midda shacabka.

Cali Xasan Taakow, ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan fara gelin dowladda ku wado doorashada Hirshabeelle, isla markaana Musharaxiin Madaxweyne ku-xigeen ka yimid Muqdisho lagu wargeliyay inay isaga soo baxaan shirka oo aanay is sharixi karin.

Si kastaba ha ahaatee, Cali Xasan Taakow iyo Maleeshiyaadkiisa ayaa waxaa wada hadal la furay Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cali Guudlaawe, waxaana la tilmaamayaa in Taakow loo sameeyay balanqaad.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com